Waxaan akhriyey, ereyna ka idhi
“Aanadii Negeeye”!

By Maxamed Baashe X. Xasan
January 08, 2007

Subaxnimadii hore ee Iidda Udxada ayaan sanduuqayga yar ee boosta gurigayga ka halacsaday bushqad weyn oo foocsan oo dhex galgalanaysa. Waan kala soo baxay. Galkii ayaan ka fayl fayley oo inta aan sanduuqii ku celiyey albaabka ka baxay aniga oo buuggii marba dhinac u rogaya.Wuu soo daahay oo maalin hore ayay Shirkadda buugaagta daabacda ee “Ponte Invisible” igu soo wargelisay in buug cusub oo aan in badan naawilayey ay boosta iiga soo saartay magaalada Pisa ee dalka Talyaaniga. Waa “Aanadii Negeeye”. Waa buug cusub oo sheeko ahaan u tiraabaysan. Waxa qoray Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” oo ka mid ah  dadka wax falanqeeya foolaadkooda uga faana horreeya naqdiga iyo faaqidaadda “ dhismo ama dhalliil kalkaalka ah” ee hal-abuurka casriga ah ee Soomaalida, qaar ahaan qoraalka buugaagta oo waayadan laabta la soo kacaya. Ibraahin-hawd waa qoraa culus iyo maansoole uu qalinkiisa iyo ereygiisuba  saamayn weyn dad badan ku leeyihiin.

Aanadii Negeyee

“Aanadii Negeeye” waxa uu ka kooban yahay 412 bog. Dheefta uu buuggu xambaarsan yahay xaqiiqo ahaan waxa ay si muuqata uga badan tahay dhibta uu la hindiwaasayo. Runtii qaabayntiisa iyo muuqaalkiisa dushu judha horeba isha ayay soo wada jiidanayaan, waxanay maanka ku soorayaan quruxda iyo farshaxanka sida “isku dhoonka” oo kale ugu dhex dhafan habaynta buugga iyo jeldigiisa madowga dhalaalkiisu widhwidhayo ee kaashanaya diillimaha caddaanka ah ee la moodo qalfoof feedheedka aadmi ama noole beri hore  halligmey oo weli meelaha qaar casaankii xinjiro  ku qallalay ka sii muuqdaan iyo midabka casuusta ah ee  xinjirta dhiig u eg ee dhabarka ka ransanaya labada bog ee dahaadhka jeldiga buugga. Waa muuqaal la yaab leh iyo tayo sarraysa oo farshaxameed oo bogaadin u wada ah qoraaga buugga iyo shirkadda soo saartayba.

Waa sheeko mala-awaal ah oo habdhaca farshaxankeedu aad u sarreeyo. Xadanto badan iyo xiise baallo fidsan leh ayay qalbiga ku gilgilaysaa, maankana ku carinaysaa. Xaq iyo baaddil, xumaan iyo samaan, ilays aqooneed oo soo bidhiiqaya iyo jahli gaamurey oo ifkaas bakhtiinaya, caddaalad darro heer walba gaadhsiisan iyo indho ku mudduci ah oo ku yuuban, xaaraan-quudasho lagu xarragoonayo iyo xalaal-maalnimo la isku liidayo, maalin-ku-taajir hodan ah iyo sabool hareero tuban oo dhabanka iyo gacanta isku haya,  gaajo iyo dhereg wada yaalla, aaran iyo abaar isku lifaaqan, gunnimo iyo gobannimo gudboon, miyirqab iyo waalli tiir keliya ku wada turqan, dhaqan iyo dhigaallo isku wada murugsan oo is wada burinaya oo wada col iyo cadaawe isu ah, nolol duug ah iyo tu cusub oo is mijaxaabinaya, duni wada mudduc iyo maddaacaley ah; duni wada baga iyo bagaaley ah, duni wada car iyo wir miidhan ah oo isku wada mutuxan, ayay sheekadu u garqaadaysaa. Waa duni ay isku haystaan xaq iyo xaq darro; xumaan iyo samaan ama mararka qaar xumaan ku takhlan xumaan kale ay kaga dhex aloosan yihiin legdan iyo loollan, weerar iyo difaac, iyo duullaan iyo kala cad goosasho, aarsi iyo aano rogaal celis miidhan ah oo aan wax teello ah la isu dhiganayn.

 Farxad iyo naxdin, murugo iyo riyaaq, yiddidiilo iyo quus, baqdin iyo dhiirrasho, welwel togan iyo degganaan buuxda, muhasho mug weyn iyo hungo qaawan, jawi jacayl iyo mid nactooyo, la jirnimo buuxda iyo ka jirnimo xag jirta, la safasho indho la’ iyo ka safasho karkaarro jebin ah, waa muuqaallo meel kasta mar walba sheekada kaga soo noqnoqonaya oo marba dhinac kuula dillaamaya.

Habdhaca sheekada iyo isku xidhnaanta sida muuqaalba uu gudihiisa u ilmo roganayo ee isu kala dhigayo iyo sida uu muuqaalkaasi ula jaanqaadayo ee ugu xidhiidhsamayo muuqaallada kale ee ka sii dambeeya, iyo sida binaysan ee jilidda sheekadu isu buuxinayso ee dhacdo kasta oo kugu cusubi dib kuugu soo kicinayso ladaadyada ladh mar hore ku soo maray ee ay hortaada u keenayso xusuusta dhacdooyin aad horay u soo jiidhay iyo weliba sida ay muuqaalladaasi isula falgelayaan ee isugu wada sidkamayaan,  ayaa buugga u yeelaysa xiise siyaado ah oo weyn iyo dhadhan macaan oo kaa hiraya caas iyo caajis oo dhan iyo in aad ka fadhido oo ka joogto ama ka jiifto sii ambaqaadka sheekada, waxana xiisahaas xaraaraddiisa sii kordhinaya xaradhaaminta iyo xulashada ereyada toolmoon iyo weedhaha wada ribta ah ee isa sudhan ee wada naqwada ah iyo afsoomaaliga ay tayadiisu sarrayso ee uu qoraagu u adeegsanayo soo bandhigga toyashadiisa iyo wax kasta oo uu doonayo inuu soo gudbiyo.

Nuxurka muuqaalka sheekada

Sheekadu waxa ay ku socotaa Negeeye. Habeenkii uu dhashay ayaa aabbiihi Geeddi Buraale nin Goodir la yidhaahdaa xabbad laabta kaga kala jeexay oo uu aakhiro u galbaday. Guuritaan beeshu u xidh xidhnayd ayaa dhalashada Negeeye habeenkaas beesha ka baajisay. Ha yeeshee dhalashadiisu waxa ay galaafatay aabbihii markii ay Goodir isku maandhaafeen “ummusha iyo inankayga curad ha loo negaado” iyo “looma baahna ee reerka ha la raro”. Sidaas buu Negeeye ku noqday madi agoon ah xilli uu ahaa  cayddi uu xab ka qoyan yahay; waa isla habeenkii uu ifka yimi marka uu aabbihii aakhiro u weydaartey.

Hooyadii Dhool markiiba waxa ay guursatey nin kale oo ay carruur u yeelanaysaa. Nactooyo iyo cadaawad kale ayaa Negeeye maankiisa la wada koraya oo dareenkiisa ku milmaya. Isaga oo yar ayay ninka hooyadii qaba isku dhacayaan oo colloobayaan. Si ay u kala badbaadiso ayay Dhool inankeeda u geynaysaa ayeeydii hooyo; Dahabo; oo tuulo yar ku nool. Ayeeydii oo lafteeda gabow iyo saboolnimo wada haleeleen ayuu marna la qadaa, marna la quwaaxsadaa. Dhimashadeedii ka dibna waxa uu Alle u bixiyey Amran oo isaga lix sannadood ka weyn oo ay ayeeydii qaraabe qansax ahaayeen oo iyada lafteeduna si caalwaa ah Dahabo u soo dukaashatey.

Amran mar keliya ayay Negeeye u wada noqonaysaa wehel walaalnimo iyo mid saaxiibtinnimo hoose oo nololeed. Isaga oo aan ninnimo buuxda isku hubsan ayay fara baraysaa oo caalamka haweenka wacdaro ka tusaysaa. Quruxdeeda yaabka leh,  waageeninnimadeeda ay tuulada ku cusbayd iyo wax la’aanteedu waxa ay soo jiiteen indho iyo jeebab ma naxaan ah oo suxullada waa weyn ku riixa agoonka itaalka yar ee ka ag cawlan mutullihii ayeeydii ka baxday. Cid walba dunida guudkeeda cadowtinnimo ayuu caloosha ugu guntayaa marka laga reebo Amran iyo hooyadii Dhool.  Malcaamad lagu daray wuu ka irdhoobayaa kolkii ay macallinka is fara saareen. Naanaysta “Habaarqabe” ayaa loo bixinayaa. Aakhirkii waxa uu goor cilcillaw ah dhegta dhiigga u darayaa oo laabta xabbad kaga daloolinayaa Goodir; gacan ku dhiiglihii aabbihii diley. Taasi kama bakhtiin dabkii iyo ololkii nafsaaniga ahaa ee ku oognaa dubaaqiisa ilaa maalintii uu dab ka baydhay iyo maanta oo uu hanaqaaday. Waxa ku badanaya dareenka cadowtinnimada, axmaqnimada iyo nacweynida. Xamar buu baxsasho ku imanayaa. Muddo dheer oo dibjirnimo iyo nolol arkaa qaad ah ka dib, ayuu Negeeye noqonayaa askari dhiboo ah oo gala dagaalkii Soomaali Galbeed. Sida wax loo dilo ee awelba aan ku cusbayn ayuu tababar milateri ku qaatay.

Kacdoonnadii iyo gadoodyadii shacbiga goboladii badhtaha iyo markii dambe kuwii waqooyiga cadaadinta iyo cabudhintooda, labadaba waxa uu ka mid ahaa saraakiishii xiddigaha ku qaatay. Duqayti gadh cas ah, ayuu gegi la isku soo baxay gaaddada rasaas kaga daloolinyaa. Duluca iyo marta dumarka ayuu gundintii ku jirtay ka furanayaa oo la baxay. Siliska iyo dahabka ayuu qoorta hablaha iyo dhegahooda ka goosanayaa, iyada oo garbuhu u cas yihiin oo uu dirayskii dawladda xidhan yahay. Gaashaanle dhexe ayuu gumaadkaas iyo boobka dadka ku gaadhayaa sidii kolba fal arxandarro ah oo uu ku kacay loogu sii dallacsiinayey. Negeeye si fool xun ayuu dhammaadkii ula halligmey taliskii uu ka tirsanaa ee macangegga ahaa markii uu dhacay. Meel cidla’ ciirsila’ ah, ayaa gabbalku ugu dhacayaa, isaga oo taag daran xilli cawadaran ah, haad iyo haanraawena lafihiisa ku feenanayaan!

Sheekada waxa ka dhex muuqanaysa Amran oo Negeeye carruur u yeelanaysa oo jinka iyo aadmiga u garnaqaysa, Negeeyena ay kala tegeyaan. Rooble oo Negeeye u abti ah oo ka mid madaxdii wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, kana mid ah madaxdii fara ku tiriska ahayd ee la colka ahayd musumaasuqa iyo xaaraanta la kala boobayo ayaa kaalin muhiim ah qaadanaya. Rooble aakhirkii dalka wuu ka baxayaa, waxanu ku xidhmayaa mucaaridkii hubaysnaa. Raage isna waa macaallin hal-adayg leh oo Rooble uu adeer u yahay, koriyeyna. Xumaan oo dhan ayuu xadhigga u goynayaa, waxaanu la yaabayaa sida Diiriye oo ay ina abtigii Negeeye wada dibjir ahaan jireen, waxbarashana aan soo marini uu maamule ugu noqday dugsigii sare ee uu macallinka ka ahaa, iyada oo ay joogaan macallimiin uu Raage ka mid yahay oo jaamacado ka soo baxay, haddana waxa uu xusuusanayaa in ina abtigii Negeeyeba Gaashaanle dhexe dallacaad ku gaadhey  isaga oo aan magaciisa qori aqoon! Leyla oo ah gabadh uu Rooble dhalay ayaa Negeeye oo ina abtigeed ah guur kula kulmaysa, wakhti yar ka dibna ay sida bamka isku qarxayaan.

Runtii waa sheeko isla yaab isla diid miidhan ah. Baalkii aad soo ragtaaba xiise weyn ayuu kugu gilgilayaa tin iyo cidhib; gun iyo baar. Sheekada “Aanadii Negeeye” waxa ay si farshaxannimo ah u soo bandhigaysaa xaaladdii nolosha Soomaaliya iyo Somaaliduba ku sugnaayeen aakhirkii toddobaataankii ilaa bilowgii sagaashanaadkii xilligii kacaannimada kelitalisnimo iyo dagaallada sokeeye iyo xitaa tan xilligan la joogo. Tagtadii shalayto iyo joogtada maanta ayuu buuggu kulminayaa. Mala awaal kasta oo ay tahay, haddana  waxa ay dulucda sheekadu salka ku haysaa dhacdooyin sida muraaydda nolosha uga dhex muuqda iyo wacaalo xooggan oo jiritaanka noolaanshahooda bulshada laga dhex dareemayo.   

Sheekada tilmaanteeda taban

Sheekada “Aanadii Negeeye” kama badbaadin meelo la saluugi karo iyo in loogu dhex tago waxyaalo lagu yalaalugoodo. Halka ugu darani ee aan laga aamusi karayni waa kaalinta ku aaddan caalamka haweenka iyo xidhiidhka ina-rag uu la leeyahay. Sheekada oo dhan waxa ay haweenka ka qayb qaadanayaa u muuqdaan “sonkor-namaad” (macaan), ragga la macaamilayaana wada “macaan-jecel”. Si kale haddii loo dhigo dumarku waa wada “hilib dibad yaalla”, ragguna wada “haad-ka-adag” iyo “habar dugaag”.

Marka aad magaca gabdheed la kulanto waa in aad fishaa in aad muuqeedana wejiga ku dhufataa hummaag ahaan. Muuqeeda oo qudha ma ahee waa in indhahaagu dhex muquurtaan xubnaha jidhkeeda iyo cawrooyinkeeda dharku asturo kal iyo laab ama gun iyo baar si aan loo miidaan deyeyn!

Haddii ay tahay gabadh wanaagsan oo asturan oo gurigooda joogta, haddii ay tahay cadrad dusduska taqaanna, haddii ay ka mid tahay kuwa dhaqanka xun iyo cosobsiga ku walfey  iyo haddii ay tahay soddoh gurigeeda la joogta seygeeda, intaba marka aad sheekada kula kulantid waxa aad dareemaysaa dhaqan qalaad, ficilooyin iyo falaadyo kuugu muuqanaya meel ka dhacyo iyo gefaf ka nixinaya dhaqan suubbaanaa, kana selelinaya oo sallow gelinaya asluub, akhlaaq iyo anshax dhawrsanaa.

Iidaanku sheekadu markan waa qaawinta iyo soo bandhigga sawir ahaan macdanta iyo asturanta xubnaha aan isha dadka ka wada dhaxayn karin ee jidhka haweenka sida aan kuwa ragguba aragtida dadka uga wada dhaxayn karin. Waad maan diidaysaa marka nin iyo gabadh kasta oo sheekada ku kulmaa uu qaradka iyo muraadku noqdo beer salaaxa inanta, qaawinteeda iyo taataabashada ama wax ka sheegga xubnaha macdanteeda: boggeeda, naasaheeda, xaluskeeda, luqunteeda, caabaadhyaheeda, bawdooyinkeeda, badhideeda, miskaheeda, afkeeda, bishmaheeda iyo meel kale oo la mid ah ama kaba sii halisaysan!

Halkaas laguma joogsanayo ee waxa looga sii dhaadhacayaa “uhdii” biyo culusta sheekada iyo  heerarkeedii miyirqab la’aanta iyo maan doorsanka. Maxaa candho iyo caano isku bayd go’an. Waxa uu qoraagu inoo dhigayaa sallaan dheer, waxanu sawir inagu daawadsiinayaa oo horteenna keenayaa dheddig iyo lab aadmi oo isku dhex arbushan, isku raran oo mudhux ah sida ul iyo gacan. Ka sii darane waxa uu dhegta maqashiinayaa jabaqda iyo sanqadho ay samaynayaan, sida hiinraaggooda, neeftuurkooda, gurxanka xamxamtooda iyo xamaarashadooda. Haddana mar kale ayuu isha halacsiinayaa dhidid wejiyadooda ka tiflaynaya iyo mashaqooyin ama foolxumooyin ka muuqda halkii uu qalliinku ka dhacayey.

Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri'weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye!

Dhaqammada iyo milladaha dadyowgu isku si uma qaabilaan, isku sina uma qiimeeyaan qiyamta iyo hababka anshaxa iyo akhlaaqeed ee aadmigu dadka ku yahay. Isha qofka Alle caabudka ah ama muxaafidka u ah habka anshaxa dhaqan ee Soomaalida ay ku eegi kartaa arrimahan sare il ka duwan ayuu ku eegaa ninka reer Yurubka ama Ameerikaanka ahi. Buugaagta sheekada ee keennan “Aanadii Negeeye” la midka ah iyo aflaamta reer yurub iyo indhaha dadkooduba waa u caadi qaawinta dumarka, waxanay oggolaadaan inta uu soo bandhigay “Aanadii Negeeye” ee ku saabsan caalamka haweenka iyo xidhiidhka labka iyo wada raaxaysigooda. Dhinacaa mar laga eego buuggan cusubi waxa uu u muuqan karaa mid tub seeg ku dhacay ama taago cusub fananaya.

Waa sax in la soo bandhigaa dhaqammada foosha xun ee ka horjeeda akhlaaqda iyo anshaxa suubban, hase yeeshee intii loo baahnaa in la qaawiyo in ka badan ayuu qoraagu dharkii ka dhigay. Intii la asturi lahaa ayuu hu’gii iyo sharaftiiba ka siibay oo indhaheenna soo hordhigay. Waa taas fadeexaddii oo aan fur saarnayn cayayaanku fadhayo. Findhicilku ma xaaraan baa iyo soo hadalqaadkiisa ayaaban wanaagsanayn! Waa laga maarmi lahaa in insha la tuso caadh iyo candho aadmi oo sidii xoolaha la isku camcaminayo! Waxa ay ahayd qoraaga oo aqoon durugsan u leh dhaqanka iyo hiddaha ummaddiisu inuu taxgeliyo, una tudho hilayga iyo lingaxa anshax, akhlaaq iyo asluubeed ee hiddaha iyo dhaqanka iyo weliba caqiidada dadka ay farriintiisu ku socoto.

Ujeeddadu maaha in sida wax loo sheegayaa aanay ahayn wax dhici kara iyo dhacdooyin nolosha xaqiiqadeeda ka dhex jira oo laga soo mala awaaley. Way jiraan oo weliba si farshaxan ah oo sarraysa, ayuu Ibraahin-hawd hibadiisa hal-abburnimo ugu soo gudbinayaa. Ha yeeshee mushkiladdu waa nuxurka iyo dhadhanka ay samaynayaan waxa laga hadlayaa ee la sawirayaa iyo faarriinta ay tebintu xambaarsan tahay.

Yaan loo qaadan in dhaqanka iyo hiddaheennu iyo weliba diinteennu aanay meel weyn u bannayn caalamka haweenka iyo ragga xidhiidhkooda, caashaqooda, raaxaysigooda, haasaawahooda iyo is jalbeebintooda madaxa iyo minjaha kala leh ee is buuxinta, is daawaysiga iyo is asturaadda sida dharka oo kale ku salaysan ka dhexeeyaan .

Geeluba Ugaasow markuu ayda miranaayo
Abeerkiisa naaxiyo markuu aaranku is waayo
Isaguba ma kala aammuso’e waysu ololaa.

Bal eega qoto dheeraanta iyo sarbeebta jacayl ee xooggaas leh ee hal-abuurkaasi ula dareen wadaagayo Ugaaso oo ah gabadh uu jeclaa iyo sida aanu wax meel-ka-dhac u geysanayn.

Sidii cir ku hooray meel cosobloo cadceedi u soo baxdaad tahay.

Quruxda gabadhuu jeclaaday iyo halka uu sawirkeeda indhaha ka  halacsiiyey, ayuu isu keen barbar dhigay, kolkaas ayaynu hellay fahman wanaagsan oo muujinaya sida ay wax u jiraan.

Mar kale waxa uu lahaa:

Higlooy timahaaga hawdka ah wixii ku hallaaba lama helo.

Iminkana timaheeda oo sidii geed weyn ama kayn oo kale ah ayuu abbaaray. Mar kasta arrinku waa sarbeed culus iyo sawir maskaxeed hal-abuurnimo oo aan turxaan lahayn, gef iyo qadafna aan ku ahayn anshax, ashluub iyo akhlaaq dhawrsanayd.

Iyadoo doog dhex jiiftoo
Daawanaysa ubaxoo
Durba garayskii furatayoo
Sii daysey timihii
Aan idhi ma daysaa
Mise waad dug siisaa
Dibnaa maysa saartaan
Yaa dookh u heli jirey
Dadow maxaad ku talin layd?

Haddeer waxaad mooddaa in sarbeebtii is fududaysay, haddana waxa ay ku dhici wayday in ay halkaas sii dhaafto oo hore tallaabo kale u sii hollato. Anshaxii iyo akhlaaqdii nolosha ayay kala tashatay inta kale, una meel dhigatay ilayn cidi ka xoogi mayso’e.

Fusuqa iyo fasaadka guud ee sheekadan “Aanadii Negeeye” ay sida fog uga warramaysaa markii uu karkaarrada jabsaday ee si walba baallaha ula kalabaxay, ayaa waxa la gole yimid hal-abuur cilladaysan oo qaawan oo aan dhadhan farshaxan, anshax iyo akhlaaqeed toonna lahayn oo ay wax badan wadaagi karaan sheekadan “Aanadii Negeeye” meelaheeda caalamka haweenka ku sii tiigaalaya ee ku talax tegaya, waana ayaandarro in tiraab tebintii raad dhaqaajiska ahaydna daba gashay hal-abuurkaas cilladaysan.

Hadba rucubta naasaha
Miyaan soo ruxaayo
Qosol kugu rakaadaa!

Mar kale u fiirso sida wax waliba u sii macno iyo muunad beelayaan. Inanta uu jacaylkeeda ka hadlayaa mar waxaad mooddaa xabbad nacnac ah, mar kalena tusbax, kuul  iwm.

Anigu adiga markaan ku eegaba
Waxaan maleeyaa ama idhaahdaa
Ma liqdaa ma legeddaa
Mise luquntaabad sudhataa!

U sii fiirso bal:

I taataabo; tinta faraha iga geli!

Iminkana bal eeg kan aad mooddid inuu caano maggaabinayo ama hilib cantuugayo:

Cambaruudka naasaha
Waxba hayga celinnine
I cantuug dibnaha oo
Shafka iga camaancami!

Si kastaba ha ahaato’e  dhalliisha ugu weyn ee buuggan “Aanadii Negeeye” waxa aynu ku xidhiidhin doonnaa fahamkaas khaldan ee ku dayashada indhaha la’ ah ee hal-abuurkaas cilldaysan oo ka mid ah waxyaalaha taban ee laga kaaftoomi lahaa ee aynu ka soo dheeganney ilbaxnimooyinka kale, gaar ahaan ta reer galbeedka. Hase yeeshee  dhinacyada kale oo dhan buuggu  caaqiibo ayuu ka leeyahay, qiime siyaado ahna waxa uu ku soo kordhinaya hal-abuurka tiraab tebinta ee Soomaalida iyo awoodda ereygeeda qorani leeyahay. Kartida tebineed ee qoraagu waa qayral caadi, waxaanu si xeel dheer u soo bandhigayaa dhacdooyin badan oo amankaag iyo yaab leh oo aanay midina mid ka dhicin. “Nin habari dhashay hal ma seegi waayo”. Ibraahin Axmed Yuusuf “Hawd” halkaas uun buu seegay ee waxa uu ku guulaystay sagaal hal oo kale oo ay tahay in lagu hanbalyeeyo, laguna bogaadiyo.

Dhinaca Far Soomaalida

Iyada oo farta Soomaalida qofba si u gaar wax ugu qoro, haddana waxa jira waxyaalo guud oo la isku raacsan yahay. Waxa ka mid ah in afsoomaaliga loo qoro sida loogu dhawaaqo. Buuggan “Aanadii Negeeye” waxa uu ka badbaadey khaladaad badan oo lagu arko had iyo jeer buugaagta soomaalidu soo saarto. Khaladaadka qaar inta badan waxa keena habaynta iyo arrimaha daabacadda, qaarna qoraaga ama cidda tafatirka ugu qaybsanayd. Hase yeeshee “Aanadii Negeeye” lagula kulmi maayo il-duuf iyo aqoon la’aan ka soo jeedda arrimahaas, haddii laga tegi waayo waxa aad arkaysaa dhawr erey oo si u muuqata ogaanshaha qoraaga ama dabaacaadda ama labadoodaba ugu soo baxay buugga si ka duwan kolleyba sidii anigu aan u bartay.

Bilowgii markii aan buugga akhriyayey, aniga oo aan kaba gudbin dhawrkii bog ee u horreeyey, ayaan la kulmay “leh dahay”! Waan fahmi waayey labadaas erey oo waxa ay iga gedmiyeen macnihii aan ku raaxaysanayey ee weedhihii durduurta ahaa ee ishu la socotey. Markii aan dhawr jeer ku noqnoqday, waxaan isku qanciyey in khalad meesha soo galay oo looga jeedey “leedahay”. Hase yeeshee arrinku sidii aan moodayey wuu noqon waayey, markii aan wax yar ka dib haddana meelo kale kula kulmay “leh nahay”, “leh dihiin”, “leh yihiin”…….Wixii markaas ka dambeeyey waxan ereyadaas u akhriyey “leennahay”, “leedihiin” ama “leeyihiin” oo aan anigu hore u qabatimay, carrabkaygana u fudud ilaa haddeerto.

Waxaan kale oo buugga kula kulmay dhawr erey oo gaagaaban oo had iyo goor  “hamse” xarafkooda u dambeeyaa tuurta sare ku qaato oo caddaysimo ah. Tusaale: Gu’, hu’, go’, da’ ama lo’ iwm. waxa buuggu u qorayaa sidan: Gu, hu, go, da, lo iwm. Runtii buug afsoomaali ah oo intaas (412) oo bog ka kooban oo intaas yar ee aan weliba aasaasiga ahayn ka soo baxeen waa buug dhinacaasna ka mutaysanaya billad sharaf aan ahayn tii kacaanka iyo bogaadin dhab ah.

Ugu dambayntii waxaan ku soo gunaanadi lahaa in buugga “Aanadii Negeeye” la akhriyo, isaga oo ah wehel xiiso badan oo laga dugsan karo dheef ahaan aqoon dhinacyo badan leh iyo xog xigmadaysan; xag bulsho, dhaqan, dhaqaale, siyaasad, maamul, waxbarasho, taariikh, mahadhooyin badan oo cibro leh, aqoon guud, war iyo wacaalo badan oo la yaab miidhan ah, maaweelo iyo madadaalo indhuhu ku casaanayaan qosolka iyo la yaabkooda, afsoomaali badhax la’ oo maanku ku raaxaysanayo iyo jalbeebin qaayo leh oo heerkeedu sarreeyo.

Maxamed Baashe X. Xasan
E-Mail:mohamedbashe@hotmail.com